Danjiraha J.F.S ee Dalka Masar,ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta,Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta ku soo dhoweeyey xafiiskiisa,Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Masar Danjire Dag Juhlin-Dannfelt kaas oo booqasho sharafeed kusoo booqday Safiirka iyo xarunta Safaaradda Soomaaliya.
Labada Danjire oo yeeshay kulan mirodhal ah,ayaa ka wada hadlay Arrimaha khuseeya danaha labada Dal iyo xoojinta Iskaashiga labada Safaaradood.
Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyay booqashada milgaha leh Danjire Dag uu ugu yimid,wuxuuna hoosta ka xaririiqay sida Soomaaliya muhiimad u siinayso xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Sweden.

