Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa waxa uu ahaa doorashada xubin ka banaaneyd Guddiga Dib U Eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) Iyo Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar.
Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah, islamarkaana sanduuq lagu codeynayay, waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92-cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo heshay 68-cod, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.
Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka ayaa ah mid door ku leh geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, waxaana howshiisa ka mid ah la-tashiyada hay’adaha qaranka iyo dowlad-goboleedyada, soo gudbinta talooyin iyo warbixinno lagu horgeeyo Golaha Shacabka si go’aan looga gaaro.

