Taliyaha NISA “Waxaa jira ciidamo dhac ka geystay gudaha Beledxaawo oo ka yimid dhinca Kenya”

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Beledxaawo ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee ku nool magaalada ay dhibaatooyin kala duwan soo gaareen kadib isku day ay sameeyeen ciidamo uu ku tilmaamay “fallaago” oo ka yimid dhanka Kenya.

Waa caqabad ay wadaan ciidamo falaago ah oo ku sugan dhinaca Kenya, kuwaas oo isku dayay in ay isku diraan labada dal si dagaal u dhexmaro,” ayuu yiri Janan.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la leedahay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya, isla markaana aysan jirin wax khilaaf rasmi ah oo u dhexeeya dowladahaas.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli Shacabka dhinaca Kenya ay walaac ka muujiyeen joogitaanka Ciidamada Jubbaland ee laga saarey magaalada Beledxaawo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed