MW Lugatoor oo si adag uga hadlay heshiiskii Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa ka hadlay coladdii ka dhacday degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, heshiiskii Puntland iyo Somaliland & qorshaha nabadaynta ee labada dhinac.

Waxa uu sheegay in heshiiskii PL iyo SL uu ahaa mid nabadeed oo ahmiyad u leh mandaqadda guud ahaan, isagoo beeniyey in cid gaar ah loo heshiiyey aysanna jirin wax ka baxsan intii warqadda lagu qoray oo lagu heshiiyey.

“Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid ay kujirto aragti dheer oo Somalia mustaqbalkeeda wax weyn ka qabanaya, wixii heshiiska lagu galay wuxuu ahaa inta warqadda ku qoran, wixii qof siyaasi ah macneeyey ama meel kale loo saaray nama qusayso jeebkeeday ku sidataa”, Ayuu yiri Lugatoor.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray,”Puntland iyo SL amniga waa ka wada shaqayn jireen, nin siyaasi ah ayaa iyiri heshiiskaasi armuu qoladiinii reer Sool ee Laascaanood joogey uu qaawiyey, hadde ninkaasi wuxuu ka shaqeeyey in SL qabsato Tukaraq oo isaga lagu wareejiyo, war heshiiskaan galnay kaas ma ahan.”

“Ceerigaabo 5 beelood ayaa deggan oo saddex dadkaan yihiin labana deriska ay yihiin, waxaa sanadkii Laascaanood dagaalku ka socdey nabadda loogu hayey hadday burburto dib loogu celin karimaayo, nabaddeeda waa ka shaqaynaynaa weliba beelihii wada degganaa inay ka faa’iidaystaan”, Ayuu yiri Lugatoor.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed