Jubbaland oo DFS uga digtay Faragelin Gobolka Gedo

Kulan Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ku yeeshay Magaalada Kismaayo isla markaana uu shirguddoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayuu golahaas ku sheegay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku haysto Gobolka Gedo.

War kasoo baxay kulankaas kaddib ayaa lagu sheegay in faragelinta Dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo ay sababi karto colaad horleh iyo isku dhacdyo keeni kara khasaaraha kala duwan sida hadalka loo dhigay.

Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in dood dheer ay ka yeesheen arrinta Gobolka Gedo oo muddo taagan, waxaana ay ka digeen halista ka dhalan karta saansaanka ka jirta Gobolkaas.

Dhanka kale, kulanka Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedkaas oo ay u gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Geesta kale, Wasaaradda Maaliyadda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Golaha Wasiirrada u gudbisay Miisaaniyadda sanadka soo socda 2026 oo gaaraysa $67,213,434.21. isla fadhigii ayaa lagu ansixiyay sida lagu sheegay warka kasoo baxay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed