Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntand, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Puntland sida dhinacyada amniga, siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in kulan diirada lagu saaray arrimaha siyaasadda Soomaaliya, xilli dhawaan ay Gole sameysteen Maamulada Puntland, Jubbaland, iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa Safiirka UK uga warbixiyay xaaladda amni ee Puntland, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda Buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

Dhankiisa, Safiirka UK ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya ee dhinaca Amniga, si loo xoojiyo dagaalka Daacish.

UK ayaa kamid ah dowladaha iskaashiga la leh Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka yihiin xubnaha Beesha Caalamka ee gacan ka geysta dib u dhiska Hay’addaha Dowliga ah.

Xubanaha Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay isku dayay in la xalliyo khilaafka u dhaxeeya DF iyo Maamulada Puntland & Jubbaland, si ay dib ugu soo laabato wadashaqeynta heer Federaal iyo Dowlad Goboleed. Dadaalladaasi ayaan weli miro dhalin, iyadoo dalka sii galayo xilliga doorashada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed