Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda heshiis muhiim ah kula saxiixday Wasiiradda amniga iyo arrimaha gudaha ee dalkaas.
“Heshiiskani wuxuu wax badan ka tari doono la-dagaallanka dambiyada abaabulan, argagixisada, iyo hagaajinta nidaamka socdaalka labada dal” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Uganda, iyo masuuliyiin kale.

