Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulanka toddobaadlaha maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo uga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhacdadii ka dhacday bannaanka Saldhiga degmada Warta Nabadda.
Shirka Golaha ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

“Falkii shalay lagu weeraray saldhigga booliiska wuxuu xambaarsanaa farriin ah in Muqdisho aanay u qalmin horumar iyo xasillooni; waxaana lagu diidanaa in muwaadiniinta loo celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Khawaarijta. Hay’adaha amniga waxaan farayaa in ay sugaan ammaanka muwaadiniinta, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa amray in ciidanka Amniga ay ka hortagaan hubka sharci darrada ah, si looga fogaado dambiyada iyo wax kasta oo dhaawacaya Amniga.