RW Xamse oo sheegay in dalku ka gudbey siyaasaddii ku dhisnayd qabyaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia ahna guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorshaynta Ururka JSP Xamza Cabdi Barre ayaa habeenimadii xalay goobjoog ka ahaa munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ururka, taas oo lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo si rasmi ah ugu biiray Ururka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Guddiga Fulinta ee Ururka JSP oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud Mudane Cabduraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ururka.

Masuuliyiinta ayaa jeediyay hadallo soo dhaweyn ah, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadan mid kaalin weyn ka qaadan doonta dardargelinta hirgelinta ujeeddooyinka iyo mabaadii’da uu u taagan yahay Ururka JSP.

“Waxaan boorrinayaa in siyaasadda Soomaaliya lagu saleeyo aragti cad, hadaf qaran iyo qorshe mideeya bulshada, si looga gudbo qabyaaladda iyo siyaasadda ku dhisan qabiilka oo caqabad weyn ku noqotay dowladnimada Soomaaliyeed, Waa in aan u gudubnaa siyaasad ku dhisan sinaan, caddaalad iyo wadajir, taas oo horseedi doonta horumar waara iyo dowlad xooggan”, Ayuu yiri RW Xamse.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed