RW Xamsa oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare oo dib u dhis lagu sameynayo sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Wasaaraddaas.

Xamsa ayaa sheegay in tallaabadaan ay muhiim u tahay qorshaha lagu xoojinayo Waxbarashada Soomaaliya si casri ah ayuu tilmaamay in loo dhisayo Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaana la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya inay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa inay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda Dan-Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa horay dib u dhis casri ah ugu sameeyay xarumahooda, halka qaar kale ay dhiman yihiin kuwaas oo lagu wado in dhowaan la dhagax-dhigo sida qorshuhu yahay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed