Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Caddaanka Koofur Africa oo diiday in loo soo raro Mareykanka

Kooxo matalo qaar ka mid ah caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka jawaabay, qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo in dadkaas dib u dajin qaxootinimo loogu soo raro dalkaan Mareykanka.

Hase yeeshee, laba urur oo matal caddaanka Koofur Africa ayaa ku jawaabay, โ€œwaad mahadsantahay laakin mayaโ€. Waxay sheegeen in aysan qaada doonin dalabka Trump ee dib u dajinta caddaanka South Africa loogu sameynayo Mareykanka.

Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay wareegto madaxweyne oo uu Trump saxiixay Jimcihii, taas oo lagu joojiyay dhammaan gargaarka iyo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiso Koonfur Afrika. Aqalka Cad ayaa sheegay in tani looga dan leeyahay in lagu ciqaabo wax uu maamulka Trump ku sheegay โ€œku xad-gudubka xuquuqdaโ€ qaar ka mid ah muwaadiniinteeda caddaanka ah, oo ay ku dhaqaaqday dowladda.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Dowladda Koofur Africa oo ah dowlad ay muddo ka badan 30 sano majaraha u hayaan siyaasiyiinta madoowga South Africa, in ay ogolaatay weeraro gacan ka hadal ah oo ka dhan ah beeraleyda caddaanka laga tirada badanyahay.

Waxuu kaloo ku eedeeyay, in dowladdu soo saartay sharci lagula wareegayo beeraha caddaanka, iyadoo aanan wax magdhaw ah la siin.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay in ay jiraan weerarro wadajir ah oo lagu qaaday beeraleyda caddaanka ah, iyaga oo sheegtay in sifaha Trump ee sharciga cusub ee dhulka ay ka buuxan macluumaad khaldan iyo marin-habaabin.

Caddaanka Koonfur Afrika ayaa weli guud ahaan ka nolol wanaagsan kuwa madowga ah, in ka badan 30 sano kaddib markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee caddaanka tirada yar ku hayeen dadka madow, kaas oo soo gaba gaboobay sannadi 1994-kii.

Daraasad uu 2021-kii soo saaray guddiga xuquuqul insaanka ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay, in 1% dadka caddaanka ah ay ku nool yihiin saboolnimo marka la barbardhigo 64% dadka madowga ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed