Madaxweynaha Maraykanka ee maanta la dhaarinayo Donald Trump ayaa sheegay in uu soo afjarayo dagaalka Ukraine iyo kan Bariga Dhexe si looga hortago dagaalka saddexaad ee Adduunka sida uu hadalka u dhigay.
Donald Trump ayaa sheegay in aanay dhankiisa ka fududeyn sii socoshada colaadda la degtay Yurub iyo Bariga dhexe intii uu ka maqnaa xafiiska Dalka Maraykanka kuwaas oo laga baaqsan karay balse la waayay maamul wax ka qabta.
โSi degdeg ah ayaa usoo gabagabeyn doonnaa dagaalka Ukraine iyo kan Bariga Dhexe si aan uga hortagno dagaaalka saddexaad ee Adduunka, waa xaqiiq in loo baahan yahay qorshe lagu wajaho xaaladaha taaganโ Ayuu yiri Donald Trump.
Dadka soo galootiga:
Donald Trump ayaa dhanka kale khudbaddiisa hordhaca ah waxa uu kusoo hadal qaaday goโaankiisa la xiriira musaafirinta Dadka soo galootiga ah, waxa uu ku faanay in uu sameyn doonno raafkii ugu xoogganaa ee Taariikhda Maraykanka gala.
Trump ayaa ku nuux-nuuxsaday in Dadka Maraykanka ay maqli doonnaan war u wanaagsan oo la xiriira musaafirinta soogalootiga sida sharci darrada ah ku galay Dalkaas, xoog iyo xeelad ayuu sheegay in Maamulkiisa isugu geyn doonno xakameynta Dadkaas.
โWaxa aan sameyn doonaa howlgalka musaafurinta soo-galootiga ee ugu weyn taariikhda, Waxaad arki doontaa amarro fulineed oo kaa farxin doona, Waa inaan wadankeena ku hagaajinaa wadada saxda ahโ Donald Trump