Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay Iiraan

Qarax weyn oo sababay dhimashada ugu yaraan 30 qof iyo dhaawaca 17 kalena ayaa ka dhacay goob dhuxusha laga qodo oo ku taalla magaalada Tabas, bariga Iran. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qaraxa uu dhacay Axaddii, iyadoo la rumeysan yahay in 24 kale oo macdan qodayaal ah ay ku xayiran yihiin gudaha.

Goobta qaraxa ayaa qiyaastii 540 kilomitir (335 mayl) koonfur bari ka xigta Tehran. Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in ku dhawaad 70 qof ay ka shaqaynayeen goobta xilliga qaraxa. Ciidamada gurmadka ayaa si degdeg ah loo diray si loo caawiyo kuwa ku dhaawacmay iyo kuwa laga baadi-goobayo.

Guddoomiyaha gobolka, Mohammad Javad Qenaat, ayaa xaqiijiyay in dhimashada iyo dhaawacyada ay ka dhashay qaraxa, wuxuuna tilmaamay in xaaladda ay tahay mid aad u murugsan.

Gurmadka ayaa socda, iyada oo ay jiraan dad weli ku xayiran gudaha dhuxusha, Bulshada iyo dowladda ayaa wadajirka uga hawlgalaya sidii loo badbaadin lahaa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed