Xisbullah oo xaqiijisay dilka sarkaalki ugu sarreeyay ciidamadooda

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacadi shalay xaqiijiyay, in Fuad Shukr oo ahaa abaanduurlihi ugu sarreeyay garabkooda millatariga lagu dilay, duqeyn ay Isra’il ku bartilmaameedsatay Talaadadi guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Beyruut.

Gantaallada lagu khaarijiyay sarkaalkan ayaa lala eegtay dhisme uu ku jiray oo ku yaalla nawaaxiga koofureed ee Beyruut halkaas oo ay ku xoogganyihiin Xisbullah. Wuxuu ahaa weerarki labaad oo aaggaasi ay Isra’il ka fuliso tan iyo bishii October, markaas oo ay Xisbullah iyo Isra’il billaabeen in ay madaafiic isku weydaarsadaan xadka, sababo la xiriiray duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza.

Xisbullah waxay sheegtay in xoghayaha guud ee ururka Hassan Nasrallah uu Khamiista maanta ka hadli doono aaska Shukr. Shukri ayaa ahaa abaanduulihi ugu sarreeyay Xisbullah, wuxuu sidoo kale ahaa lataliyaha Nasrallah.

Millatariga Isra’il ayaa Talaadadi sheegay in ay duqeyn ku dileen Shukr, kaas oo ay ku sheegeen in uu bixiyay amarka lagu fuliyay weerar ay Isra’il sheegtay in ay Xisbullah ku dishay in ka badan 10 dhalinyaro Isra’iliyiin ah oo kubad ku ciyaaray degmo ku taalla buuralleyda Golan ee ay Isra’il heysato.

Xisbullah ayaa beenisay in ay weerarkaasi ka danbeysay.

Weerarka lagu khaariyay Shukr, ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay haweeney iyo laba carruur ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed