Mascuud Pezeshkian oo noqday madaxweynaha Iran

Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran, ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iran waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux.

Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha.

Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.

Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda.

Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed