Sucuudiga oo war cusub ka soo saaray dhimashada Xujeydii xajka ku Geeriyootay

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ayaa war ay kasoo saartay Dadka saamaynta taban ku reebay isbaddelka Cimillada ee sanadkana waxa ay soosaartay tirada Dadka la daweeyay iyo kuwa dhintay.

War lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Dadka ay daweysay ama daryeelka u fidisay ay gaarayaan 465,000 oo ruux waxaana ka dhintay 1,301 qof oo kala dhalasho duwan.

Xaaladaha ugu adag waxa ay dhasheen kaddib markii dadka intooda badan ay u adkaysan waayeen kulka ka dhashay isbaddelka Cimillada oo sanadkaan aad u kulul kuwaas oo la geeyay goobaha caafimaadka ee Sacuudiga.

“465,000 oo Xaaji oo xannuunsan ayay Wasaaradda Caafimaadka daryeel u fidisay, dadka dhintay waa 1,301 ruux waxaana ay u badnaayeen Dad da’ ah oo intooda badan si dabiici ah u qaadan waayay neefta dabiici ah” Ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga.

Dadka la hadal hayo ee sanadkaan 1445 Hijriya ku dhintay Xajka waxaa kamid ah Alieu Dausy Wurie oo ah 71 jir & Isatu Tejan Wurie oo 65 sano jir ah, waa lamaane ka soo xajiyay Mareykanka, waxaana lacagta ku baxday lagu sheegay in ay dhan tahay $23, 000.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed