Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Mareykanka oo sheegay in Israaiil ay jabisay shuruucda caalamiga

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shaaca ka qaadday, in hubka ay ugu deeqday Israโ€™il ee ay u adeegsatay dagaalka ay ka waddo Gaza, ay u badan tahay in uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee baniโ€™aadannimada.

Hase yeeshee, warbixinta oo ay soo diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka loona gudbiyay Koongareeska, ayaa dhanka kale sheegta, in duruufaha dagaalka ay saraakiisha Mareykanka u diideen goโ€™aan ka gaarista qaar ka mid ah duqeymo cirka ahaa oo ku koobnaa meelaha qaar, sidaasi daraadeedna aysan u kala caddeyn in adeegsiga hubka Mareykanka ee Israiโ€™l uu meelaha qaar ku xadgudbay shuruucda caalamiga ah.

Warbixintan sheegeysa in ay jiraan caddeymo muujinaya in Israโ€™il oo ah xulufada ugu dhaw Mareykanka ay jibisay xeerarka caalamiga ah ee ilaaliya rayidka, ayaa noqoneysa bayaanki ugu xooganaa ee ay Washington ku cambaareyso Tel Aviv, tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Israโ€™il ku qaadday Gaza wixi ka danbeeyay weerarki Xamaas ee 7-badi October.

Natiijada warbixintan ayaa khatar dheeraad ah gelineysa xiriirka sii kharaaranaya ee u dhaxeya Israโ€™il iyo maamulka madaxweyne Biden. Maamulka Biden ayaa qaaday tallaabooyin aysan ku farxin Israโ€™il, tan iyo marki ay ciidamada Israโ€™il galeen marinka Rafax todobaadkan.

Mareykanka ayaa horay uga digay in uusan raalli ka aheyn duullaan ay Israโ€™il ku qaaddo magaalada Rafax oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah, ilaa ay Israโ€™il ka keeneyso qorshe cad oo dammaanad qaadaya badqabka dadka rayidka ah.

Todobaadkaan Biden ayaa sheegay inuu hakinayo hubka uu Mareykanka u daabulo Israโ€™il, arrintaas oo uu uga jawaabayay qabsashadi ay Isriโ€™il qabsatay marinka isku xira Rafax iyo Masar iyo duqeymo ay ciidanka Israil ka geysteen qeybo ka mid ah Rafax, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ah.

Israโ€™il wali kama aysan jawaabin warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka, hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska ayaa cambaareeyay warbixinta kuna tilmaamay mid lid ku ah Israโ€™il.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed