Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay Lubnaan iyo Israa’iil gaareen, kaas oo uu dhexdhexaadiyay Maraykanku, isagoo ku tilmaamay “guul taariikhi ah” oo uu sheegay inay “dhabar-jab ku tahay Iran iyo Xisbullah.”
“Shalay, kaddib wada-hadallo toos ah oo dhex maray Israa’iil iyo Lubnaan, waxaan gaarnay heshiis taariikhi ah oo u soo hoyday dowladda Israa’iil. Heshiiskani waa dhabar-jab ku ah Iran iyo Xisbullah,” ayuu Netanyahu ku yiri khudbad laga baahiyay telefishinka.
Netanyahu ayaa sidoo kale ku celiyay in ciidamada Israa’iil ay sii joogi doonaan waxa uu ugu yeeray “aagga amniga”, oo ah dhul ay ciidamada Israa’iil ka sameeyeen gudaha Lubnaan, qiyaastii 10 kiiloomitir u jira xadka.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa yiri: “Waxaan sii joogi doonnaa aaggan ilaa Xisbullah iyo kooxaha kale ee aan u aqoonsannahay argagixisada hubkalaga dhigayo.”
Waxa uu intaas ku daray: “Maraykanka iyo Lubnaan labaduba waxay aqoonsadeen xaqa Israa’iil u leedahay inay sii haysato aag amni oo ku yaalla gudaha dhulka Lubnaan inta ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta amnigeenna.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan sii joogi doonnaa aaggan amniga ilaa Xisbullah iyo dhammaan ururrada argagixisada hub laga dhigayo, isla markaana aysan jirin wax khatar ah oo Israa’iil uga imanaya dhulka Lubnaan.”

