Magaalada Garoowe ee caasimadda Putland, gaar ahaan xarunta Baarlamaanka waxaa saaka ka furmaya kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Kalfadhiga waxaa furaya madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo tan Puntland.
Kalfadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta xeerka doorashooyinka Puntland oo la rabo in la waafajiyo Dastuurka iyo ansaxinta mas’uuliyiin uu magacaabay madaxweyne Deni.

