Dalka Koofur Afrika ayaa noqday waddanka ugu horreeya 10ka Dal ee Caalamka ee dhoofiya Liin Macaanta, waxaana sanadkii lasoo dhaafay dalkaas uu dhoofiyay 2.9 Milyan oo tan sida lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Urur ay ku midaysan yihiin Dadka ka ganacsada Liintaas.
Koofur Afrika ayaa ka heshay lacag badan oo u noqotay fursad ay ku dhisato kuna horumarsato Dalkeeda sida lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Beeraha ee Dalkaas oo dhinaca kale bogaadisay Ganacsatada guushaas gaartay.
Dalalka ku xiran ee loo dhoofiyo Liin Macaaanta waa Jarmalka, Faransiiska, Netherlands, Maraykanka, Ruushka, Canada, Sacuudi Carabiya, Boqortooyada Ingiriiska, Koofurta Kuuriya iyo Shiinaha sida lagu xusay Warbixinta xogtaan lagu uruuriyay.
Waxyaabaha ugu badan ee Dalalkaan loo dhoofiyo Liin Macaanta ay ka sameeyaan waxaa kamid ah, Cabitaannada, Macmacaanka, Dubka ama diirka kore oo Saliid laga soosaaro, Dawooyinka sida Fitimiinnada, Saabuunta & Waxyaabo kale oo badan.
Gobollada ugu badan ee Liin Macaanta ka baxdo Dalka Koofur Afrika waxa ay kala yihiin:
Limpopo, Eastern Cape, Western Cape, Mpumalanga, KwaZulu-Natal & Northern Cape. Dhammaan Gobolladaan waa cimilladooda ay dhexdhexaad tahay isla markaana leh biyo si joogta ah loo heli karo, sidoo kale Dhulka ayaa ah mid ku habboon bacriminta.

