Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo lagu amray in ay ka wada shaqeeyaan sugida Amniga

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaa maanta ka qabsoomay kulan muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta amniga iyo xasiloonida deegaannada dowlad gobolleedkaas.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Maxamed Cabdi Daahir Dhagawyane, iyadoo ay ka qeyb galeen ) saraakiil sare oo ka kala socday Ciidanka Nabadsugidda iyo Booliiska, waxaana guddoomiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed Kaniif.

Intii uu kulanku socday, saraakiisha ayaa soo bandhigay warbixino la xiriira dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada caasimadda iyo la dagaallanka falalka amni-darrada.

Taliyaha Qaybta 21-aad iyo Taliye ku-xigeenka Booliiska ayaa saraakiisha ku amray inay kor u qaadaan wada-shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga, iyagoo kula dardaarmay inay si adag uga shaqeeyaan badqabka bulshada, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalqal gelin amni.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu shaaciyay in dhawaan uu xilka si rasmi ah u la wareegi doono Taliyaha cusub ee Qeybta Booliiska Galmudug, si loo dardargeliyo howlaha sugidda nabadgelyada.

Masuuliyiinta ayaa isku raacay in isku-duwidda ciidanka ay fure u tahay xaqiijinta xasilooni waarta oo ka dhalata caasimadda Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed