Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax si nabadgalyo u qabsooma oo Mucaaradku ku qabsado Magaalada Muqdisho ay diidan tahay in la siyaasadeedo isla markaana lagu dhaawaco xasiloonida.
War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in isusoo baxoodu uu noqdo mid abuura rabshado, Siyaasadaysan ama mid kicinaya Bulshada sida hadalka loo dhigay.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in Mucaaradka loo iclaamiyay in uu bannaanbaxooda uu ka dhaco Garoonka Cayaaraha ee Injineer Yariisow oo horay loo oran jiray Stadium Koonis balse aanay suuragal ahayn dibadbax ka dhaca meel garoonkaas ahayn.
Warsaxaafadeedka Dowladda ayaa Walaac looga muujiyay Rag hubaysan oo la sheegay in Mucaaradku uruurinayaan, waxaa kahortag & Ilaalin lagu sifeeyay Ciidamada Dowladdu ay dhigtay Waddooyinka Magaalada Muqdisho.
“Dowladda Soomaaliya oo ixtiraamayso Xuquuqda Dastuuriga ah ee Muwaadiniinta ee isusoo baxa nabadeed, xorriyadda hadalka & ka qaybgalka siyaasadda waxa ay u astaysay Garoonka Injineer Yariisow si loo ilaaliyo Amniga Shacabka, Haseyeeshee qabanqaabiyaasha mucaaradka ayaa qorsheeyay in ay wadaan Abaabul Siyaasadeed oo rabshado wata,” Sidaasi waxaa lagu war kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS.
Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa is dhaafsanaya ereyo midba uu kan kale ku durayo, waxaa socda kulamo labada dhinac ay ka kala wadaan Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay hadal hayn xooggan oo dhinaca Shacabka ah.

