Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi sida arrimaha amniga, doorashooyinka iyo xaaladaha bini’aadantinimo.
Shirka ayaa laga soo saaray awaamiir iyo go’aanno muhiim ah oo ku wajahan xasiloonida deegaanka.
Ugu horreyn, Goluhu wuxuu isku raacay in aan marnaba loo noqon karin afhayeen AS, isla markaana la mamnuucay in la buun-buuniyo ficilladooda guracan ee lagu dhibaataynayo shacabka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa isla gartay in la dhowro qiyamka iyo sharafta madaxda qaranka, iyadoo la xusay in aan la aqbali karin in la aglagaadeeyo madaxda xambaarsan mas’uuliyadda heer qaran.
Dhinaca amniga magaalada, Golaha ayaa soo saaray amar ku saabsan xakamaynta hubka, iyadoo la mamnuucay in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada, marka laga reebo ciidamada u xilsaaran sugidda amniga iyo kuwa ilaaliya madaxda dowladda. Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka.
Sidoo kale, Golaha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, waxayna isku raaceen in xisbiyada tartamaya ay fasax u leeyihiin inay qabsadaan olalahooda siyaasadeed, balse looga baahan yahay inay markasta wargeliyaan hay’adaha amniga si looga wada shaqeeyo nidaamka iyo badqabka taageerayaashooda.
Ugu dambayn, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku adkeeyay xubnaha golaha wasiirada in la dardargeliyo shaqooyinka u adeegaya shacabka, isagoo faray in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara oo ka hirgala guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed. Shirka ayaa kusoo gabagaboobay jawi is-afgarad ah iyo ballan-qaad ku aaddan xoojinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

