Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qoraal soo dhigay barahiisa bulshada.
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku soo qoray qoraal isagoo yiri “Maalin weyn oo Nabadda Adduunka ah!”
“Iiraan waxay rabtaa inay tani dhacdo, way ku daaleen! si lamid ah qof kasta oo kale!”
Wuxuu Trump dhanka kale xusay in Mareykanku uu “ka caawin doono ama gacan ka geysan doono ciriiriga taraafikada ee marin-biyoodka Hormuz”, isagoo sii wata qoraalkiisa ayaa waxaa uu yiri.:
“Waxaa jiri doona ficillo badan oo wanaagsan! Lacag badan ayaa la heli doonaa. Iiraan waxay bilaabi kartaa hawsha dib-u-dhiska dalkeeda. Waxaan geyn doonnaa sahay nooc kasta ah, oo waan “kormeeri doonnaa” si aan u hubinno in wax walba ay si wanaagsan u socdaan. Kalsooni ayaan ku qabaa inay dhici doonto. Si lamid ah sida aan u aragno Mareykanka ahaan, tani waxay noqon kartaa farxadda weyn ee Bariga Dhexe!”
Iiraan iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan, muddadaas oo gaadiidka maraakiibta loo ogolaan doono marinka Hormuz.
Tani waxay ku soo beegantay in ka badan hal bil ka dib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro xiriir ah ku qaadeen Iiraan, saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay “xadaarad dhan ayaa dhiman doonta caawa” haddii Iiraan aysan dib u furin marin biyoodka.

