Dowladda Federaalka oo baaq u dirtay Somaliland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay colaadda ka taagan deegaannada gobolka Awdal ee u dhaxaysa beelaha Gadabuursi iyo Ciise.

Golaha wasiirrada oo maanta kulan yeeshay ayaa ugu baaqay dhinacyada ay colaaddu u dhaxayso in ay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, islamarkaana khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday maamulka Somaliland in uu qaato mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye iyo xasillinta deegaanka.

Xukuumaddu waxa ay codsi u dirtay hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka gobolkaas, iyada oo ugu baaqday in ay u istaagaan deminta colaadda iyo ka shaqeynta sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed