Qodob la filayey inuu Trump kaga hadlo khudbadiisa xalay basle uusan soo qaadin

Hal arrin oo uusan kusoo qaadin khudbaddii Madaxweyne Trump ayaa ahayd gaashaanbuurta NATO, taas oo sii muuqatay ka dib markii waraysi uu siiyey Telegraph ku sheegay inuu tixgelinayo inuu Maraykanka ka baxo isbahaysigas.

Madaxweynaha ayaa u sheegay wargayska in isbahaysigu yahay “shabeel warqadah”, markii la weydiiyay inuu dib u eegis ku samayn doono xubinimada Maraykanka ee isbahaysiga ka dib colaadda Bariga Dhexe, wuxuu yiri: “Haddaba, waxaan dhihi lahaa dib-u-eegis way ka sii gudubtay.”

Sida uu horay u tilmaamay weriyaha Aqalka Cad ee BBC-da, madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa caqabado sharci oo waaweyn haddii uu ku dhaqaaqo go’aanka ka bixitaankan.

marka la eego in Trump uu khudbaddiisa xilliga muhiimka ah ku soo celceliyay qodobbo badan oo uu hore uga hadli jiray, waa wax xusid mudan in isbahaysigu uusan ka mid noqon qodobbadaas.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed