Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo lagu magacaabay qaar ka mid ah gollaha wasiirada iyo wasiir ku xigeennada cusub ee maamulka Puntland.
Magacaabistan oo timid ka dib wadatashiyo ballaaran, ayaa lagu dhisay wasiirro iyo wasiir ku xigeenno looga fadhiyo inay dardargeliyaan adeegyada bulshada, amniga, iyo horumarka deegaannada Puntland.
Xubnaha wasiirada ee la magacaabay ayaa kala ah:
- Cabdirashiid Barkhadle Warsame – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.
- Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) – Wasiirka Arrimaha Gudaha.
- Maxamed Cabdiraxmaan Faroole – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
- Barre Yuusuf Faatax – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.
- Cabdifitaax Ugaas Yaasiin – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Hodan Saciid Xasan – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
- Farxaan Cali Xirsi – Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
- Saciid Jaamac Qorsheel – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa.
- Caydaruus Axmed Faarax – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
- Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
- Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi – Wasiirka Wasaaradda Gargaarka.
- Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
- Maxamuud Caydiid Dirir – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay 16 wasiir ku xigeen oo ay ka mid yihiin:
- Axmed Maxamuud Maxamed (Qaxiye) – Wasiir ku xigeenka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.
- Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud – Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha.
- Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax – Wasiir ku xigeenka Amniga.
- Axmed Yaasiin Saalax – Wasiir ku xigeenka Maaliyadda.
- Maxamed Xasan Saciid – Wasiir ku xigeenka Qorsheynta.
- Musadaq Maxamed Musadaq – Wasiir ku xigeenka Waxbarashada.
- Maryan Cismaan Axmed – Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.
- Eng. Maxamed Axmed Ismaaciil – Wasiir ku xigeenka Dekedaha.
- Bile Maxamuud Axmed Qabowsade – Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.
- Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi – Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga.
- Xasan Jaamac Ismaaciil – Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha.
- Cabdiraxmaan Khaliif Faarax – Wasiir ku xigeenka Tamarta.
- Maxamed Saciid Saalax – Wasiir ku xigeenka Deegaanka.
- Axmed Saciid Qolombi – Wasiir ku xigeenka Beeraha.
- Riyaad Axmed Cali – Wasiir ku xigeenka Gargaarka.
- Maxamuud Maxamed Daad – Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

