Maraykanka & Israa’iil oo duqaymo ku beegsaday Jaamacadda farsamada gacanta Iiraan

Isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ayaa saakay weerar duqayn ah kula jarmaaday goobo kala duwan oo ku yaalla Tehran & Isfahan iyada oo lasoo wariyay in mid kamid ah duqaymahaas lagu beegsaday Jaamacadda faca way nee Amirkabir Universtiy.

Jaamacaddaan waxaa lagu dhigaa farsamada gacanta iyo Culuumta Teknoolajiyadda waxaana kasoo aflaxay dad badan oo sumcad ku leh Dalkaasi, waxaana la dhisay sanadkii 1958dii maanta waa 68 sano ayay dhisan tahay.

Tani waxa ay muujinaysaa in Isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ay beegsanayaan Goobaha Bulshada Muhiimka u ah isla markaana la hadal hayn karo sida Iskuullada, Jaamacadaha, Isbitaallada iyo wixii lamid ah.

Iiraan ayaa horay ugu hanjabtay in ay bartilmaameedsan doonto meel weliba oo laga taabo dhiggeeda sida xarumaha Hubka haddii laga weeraro in ay weerari doonto xarumaha Cadawgeeda inkasta oo laga sugayo jawaabta ay ka bixin doonto weerarkaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed