Guddigii doorashada ee dhawaan magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa caawa shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaas.
Xildhibaanada cusub waxay ka kooban yihiin 95 xubnood oo la sheegay in laga soo xulay beelaha dega Koonfur Galbeed, kuwaas oo la qorsheynayo in ay 29 bishan doortaan guddoonkooda.
Shaacinta xildhibaanada cusub waxay ku soo aadaysaa, xilli xiisad colaadeed laga dareemayo inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.


