Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay xilka qaadistii ay shalay ku sameysay Taliyihii Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xilka qaadista Taliye Shub iyo xabsi guri uu sheegay in la geliyay, isaga oo ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku yiri “Waxaan si adag u cambaaraynayaa xil ka qaadista argoosiga siyaasadeed ah iyo xabsi guriga la geliyey Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya”.
“Waa wax aan la aqbali karin oo sharciga, diinta, iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida ka baxsan in shakhsi loo bartilmaameedsado inuu xidid ama xigto la yahay qof kale oo uu khilaaf siyaasadeed kaala dhexeeyo” ayuu ku raaciyay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xabsi guriga looga sii daayo Gen. Mahad, islamarkaana loo soo celiyo xorriyadiisa, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa in si degdeg ah Janaraal Mahad xabsi guriga looga sii daayo, loona soo celiyo xoriyaddiisa, karaamadiisa, iyo xuquuqdiisa oo buuxda. Dhaqankani waa mid wiiqaya dowladnimada, sii xoojinaya kala qeybsanaanta, dhaawacayana kalsoonida shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

