Kulan looga hadlay amniga Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dhexmaray Saraakiisha Ciidanka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.
Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saarey sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Amniga iyo iskaashi buuxa oo ay wada yeesheen Ciidanka Soomaalida iyo kuwa Uganda.
Xubnaha kulanka goobjoog ahaa ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Guutada 6-aad Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka G/Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdixakiin Ceeldheer, Taliyaha ciidanka Uganda ee Baraawe Cornel Jafar Musenene iyo Guddoomiyaha Degmada Baraawe.
Saraakiisha ayaa caddeeyay in la isku afgartay qoddobada laga wada hadlay, isla markaasna ay socon doonaan shirarka looga hadlayo amniga.
Kulamadaan ayaa ku soo aadaya xilli toddobaadkii hore Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ula wareegtay Amniga guud ee magaalada Baraawe oo ay hore ugu sugnaayeen Ciidan taabacsan Maamulka Koofur Galbeed.

