Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si adag u beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in diyaarad nooca Helicopter-ka ah ay ku dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qoraal rasmi ah oo maanta ka soo baxay Taliska CXDS, ayaa lagu caddeeyay in warkaas uu yahay mid sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uusan jirin wax shil diyaaradeed ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ama deegaannada ku xeeran.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in wararkan been-abuurka ah loola jeedo in lagu marin-habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, laguna daciifiyo kalsoonida ay ku qabaan hay’adaha amniga dalka.
“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa warbaahinta iyo bulshada inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana ay xogta saxda ah ka helaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Ugu dambeyn, Taliska ayaa xaqiijiyay in xaaladda guud ee amniga magaalada Baydhabo ay tahay mid deggan, ciidankuna ay si buuxda u gudunayaan waajibaadkooda qaran ee sugidda amniga iyo difaaca dalka.

