Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku hanjabay in ay gabi ahaanba xiri doonaan marinka Hormus, haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraraan Xaruumaha tamarta iyo Nukliyeerka dalkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidankan ugu awoodda badan Iiraan ayaa sheegay in aysan kaliya ku ekaan doonin xirida marinka Hormus, balse dagaalka sii ballaaran doono.
Sidoo kale, waxaa ay sheegeen in ay weerari doonaan dalalka Dariska ah ee ay ku yaallaan Saldhigyada Ciidamada Mareykanka.
Digniintan ka soo baxday ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa timid ka dib markii uu Donald Trump mar kale ku celiyay hanjabaadiisa aheyd inuu duqeymo ku garaaci doono xarumaha nukliyeerka ee Iiraan.
Khubarada caalamiga ah ayaa ka digaya in Iiraan xirto Marin-biyoodka Hormus, tillaabadaasi oo sababi karta inuu sii kordho qiimaha Shidaalka iyo badeecadaha kale ee dunida.

