Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh iyo daadadka ka jira dalka Kenya ayaa gaaray ilaa lixdan iyo labo qof. Waddooyinka iyo xaafadaha ku yaalla caasimadda Nairobi ayaa ku qasbay in ka badan konton kun oo qof inay ka barakacaan guryahooda tan iyo markii ay roobabka xooggan billowdeen horraantii bishan.
Madaxweyne William Ruto ayaa u xaqiijiyay reer Kenya in dowladdiisu ay si buuxda ugu diyaar garowday inay ka jawaabto roobabka socda ee khatarta geliyay nolosha iyo hab-nololeedka dadka. Mr. Ruto wuxuu sheegay in la hawlgeliyay koox ka kooban hay’ado kala duwan si loola tacaalo xaaladda, oo ay ka mid yihiin caawinta dadka ay dhibaatadu saameysay iyo nadiifinta bullaacadaha xirmay.
Farriin uu soo dhigay barta X, ayuu Madaxweyne Ruto ku sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo nolosha loona taageero bulshooyinka dhibaataysan. ‘Dowladda waxay sii wadi doontaa inay qaaddo tallaabo kasta oo loo baahdo si loo badbaadiyo nolosha, loo taageero bulshooyinka dhibaataysan, loona xaqiijiyo inuusan jirin qof reer Kenya ah oo caqabaddan kaligiis wajahaya,’ ayuu raaciyay.

