Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa ugu baaqay shacabka iyo shirkadaha shidaalka inay tashiilaan ama ay yaryareeyaan, maadaama aan la garanayn inta ay socon doonto dhibaatada ku timid safrinta shidaalka ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.
Isagoo kororka qiimaha shidaalka ku tilmaamay “mid naxdin leh”, wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu si dhakhso ah u shaacin doonto tallaabooyin lagu yareynayo isticmaalka shidaalka.
Axmed Shide ayaa arrintan kaga sheegay arrintan Arbacadii, shir jaraa’id oo ku saabsan dhibaatada shidaalka ee ka dhalatay xaaladda dagaal iyo saameynta ay ku leedahay shidaalka dalka.
Hadalkan wuxuu yimid maalin kadib markii dowladdu kordhisay qiimaha shidaalka. Sida ku cad qiimaha cusub ee la shaaciyay Talaadadii:
Batroolka oo hore loo iibin jiray 129 birr, hadda waxaa lagu iibinayaa 132 birr iyo 18 senti.
Diesel-ka cad ayaa sidoo kale kordhay oo gaaray 139 birr iyo 83 senti.
Gaaska-ka caadiga ah ayaa la kordhiyay 17 birr.
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in isbedellada qiimaha ay yihiin kuwa “ugu yar ee suurtagalka ah” marka la eego kororka aadka u sarreeya ee qiimaha Shidaalka ee caalamka.

