Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Golaha Congress-ka Maraykanka ayaa dhaliil culus u jeedisay Madaxweynaha Dalkaas, Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyada oo ku eedeysay in ay hurinayaan colaadda meelo kala duwan ka jirta.
Ilhaan Cumar ayaa xustay in Maraykanka uu ballaayiin Doollar oo u badan kaalmo Militari in uu siiyay Israa’iil iyada oo Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay gaysatay xasuuq iyo xadgudub weyn oo ka dhacay meelo kala duwan.
Waxa ay carrabta ku dhufatay in Dadka Maraykanka ay haatan garteen isla markaana ay joojiyeen lacagihii taakulada ahaa ee dalkoosa siin jiray Israa’iil maadaama diiwaanka bani aadamnimada uu kiisas xun ka galay Netanyahu.
“Maraykanku waxa uu Netanyahu siiyay balaayiin doolar si loogu maalgeliyo xasuuqa ka socda Gaza, Hadda Netanyahu iyo Trump waxa ay isu bahaysteen dagaalka ka dhanka ah Iiraan, Dadka Maraykanka waxa ay ka daaleen In ay lacag ku bixiyaan tacaddiyo si loo qanciyo Israa’iil oo gaysato xasuuq & dambiyo kale oo kala duwan” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa culays xooggan kala kulmaya gudaha dalkiisa iyo dibadda kaddib markii weerarradii Iiraan lagu qaaday uu noqday mid fashilmay mar haddii ay xakamayn waayeen duqaymaha Tehran oo dalal kala duwan u gudbay.

