Xaawo Xasan Maryan Xasan, oo ah hooyada dhashay marxuumad Maryan Faarax Jaamac, ayaa warbaahinta uga warrantay dhacdo murugo leh oo ku saabsan afduub iyo dil arxan-darro ah oo loo geystay gabadheeda, taas oo ay fuliyeen koox mooryaan hubeysan.
Xaawo Xasan ayaa sheegtay in gabadheeda Maryan Faarax Jaamac ay ahayd xaaska Maxamuud Baashi Ciise, isla markaana xilliga la afduubanayay ay la nooleyd hooyadeed, maadaama uu ninkeeda dalka ka maqnaa duruufo amni awgood.
Hooyadu waxay sheegtay in habeenkii 24-kii Nofeembar 2025, abaarihii 2:00 saqdii dhexe, koox mooryaan hubeysan ah ay si xoog ah ugu soo dhaceen guriga, kana kaxeysteen Maryan Faarax Jaamac, iyaga oo cabsi gelin iyo hanjabaad u adeegsaday qoyska.
Kadib afduubka, hooyada Xaawo Xasan waxay sheegtay in qoyska ay la soo xiriireen kooxdii afduubka geysatay, kuwaas oo dalbaday lacag madax-furasho, isla markaana ku andacoonayay in qoyska laga rabo mag (diyo), inkasta oo ay gabadhu aanay wax lug ah ku lahayn dhacdada ay ku andacoonayeen.
Nasiib darro, 06-da Janaayo 2026, Maryan Faarax Jaamac ayaa la dilay, waxaana meydkeeda la helay 28-kii Janaayo 2026, kadib maalmo raadis ah. Aaska marxuumadda ayaa si rasmi ah u dhacay 06-da Febraayo 2026, iyadoo ay ka qeybgaleen ehel, qaraabo iyo dad aad uga xumaaday falka dhacay.
Sababta Beegsiga Qoyska
Hooyada Xaawo Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijisay in beegsiga gabadheeda uusan salka ku hayn colaad qabiil ama mid hore u jiitamaysay, balse uu ka dhashay shil gaari oo ay dad ku dhinteen, kaas oo uu galay darawalka gaariga oo ehel la ahaa qoyska, gaar ahaan ninka ay gabadhu u dhaxday, Maxamuud Baashi Ciise walaalkiis shil uu galay oo dad ku dhinteen ayna mooryaantaan doonayeen in reerkaan u beegsadaan dhacdadaas darted.
Darawalkii shilka galay ayaa ka baxsaday goobta, kadibna koox mooryaan hubeysan ah oo ka tirsan ehelada dadkii shilka ku dhintay ayaa go’aansaday in ay aargoosi ku fuliyaan qoyska darawalka, iyaga oo si gaar ah u beegsaday Gabadh uu qabay Dareewalkii gaariga walaalkiis, inkasta oo aysan wax masuuliyad ah ku lahayn shilkaas.
Weerar Hore oo Qoyska Loo Geystay
Sanadkii 2021, Maxamuud Baashi Ciise iyo aabihiis ayaa lagu soo weeraray isla deegaanka, weerarkaasi oo sababay geerida aabihii, halka Maxamuud isagana uu ka soo gaaray dhaawac, taas oo ku qasabtay inuu ka cararo dalka, cabsi la xiriirta badbaadadiisa darteed.
Tan iyo xilligaas, qoyska ayaa wajahayay cabsi joogto ah iyo hanjabaado, kuwaas oo ugu dambeyn isu beddelay afduub iyo dil loo geystay Maryan Faarax Jaamac.

