Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), taasoo astaan u ah hirgelinta xaruntii ugu horreysay ee heer qaran ee loogu talagalay isku-duwidda ka-hortagga, ogaanshaha, iyo ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka.
Isagoo ka hadlay munaasabadda daahfurka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa sharaxay hannaankii loo maray aas-aaska xaruntan. Wuxuu sheegay in hindisahan uu ka dhashay wadatashiyo qaran iyo qiimeyn farsamo oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee la-tacaalidda khataraha saaybarka iyo ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka ah.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Soomaali), ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta adkeysiga amniga saaybarka, iyadoo Soomaaliya ay sii ballaarinayso adeegyada dhijitaalka ah iyo isku-xirka internetka. Wuxuu intaas ku daray in SOMCIRT ay door muhiim ah ka qaadan doonto ilaalinta nidaamyada dowladda, kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo qeybaha kale ee muhiimka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo munaasabadda xarig-jarka ka hadlay, ayaa ku tilmaamay furitaanka SOMCIRT inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah ee dalkeenna isla markaana taageeraysa dadaallada ballaaran ee isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka ka socda.
Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), oo hoos timaada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxay noqon doontaa xarunta qaran ee isku-duwidda ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka ee dalka.
Xaruntu waxay taageeri doontaa soo gudbinta dhacdooyinka amniga saaybarka, soo saarista digniino iyo wacyigelin, isku-duwidda jawaabaha khataraha saaybarka, iyo kor u qaadidda wacyigelinta amniga saaybarka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka u ah Soomaaliya.

