Turkiga oo xaqiijiyay in ay ka hortageen gantaal ay soo riday Iira’an.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in nidaamka difaaca hawada ee NATO ay ka hortageen gantaal nooca riddada dheer ee Ballistic-ga ah oo laga soo riday dalka Iran.

Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, gantaalkan oo ku soo jeeday hawada dalka Turkiga ayaa laga hortagay, isagoo maraya aagga badda Mediterranean-ka, waxaana haraadiga gantaalku uu ku soo dhacay degmada Dörtyol ee gobolka Hatay.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in uusan jirin wax khasaare nafeed ama dhaawac ah oo ka dhashay haraadiga gantaalka ee ku soo dhacay dhulka Turkiga.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in dalku uu si buuxda ugu diyaar garoobay difaaca qaranka, isla markaasna ay ka hortagayaan khatar kasta.

“Turkiga wuxuu awood u leeyahay inuu difaaco amniga dhulkiisa iyo muwaadiniintiisa, iyadoo aan loo eegin cidda uu khatarta kaga imanayso ama meesha ay ka imanayso,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Dhacdadan ayaa imanayso xilli dagaalka Bariga Dhexe u muuqdo mid sii faafayo, iyadoo gantaalka ku dhacay dhulka Turkiga muujinayo in xiisadda noqoneyso mid caalami ah.

Iiraan ayaa weli sii wada weerarada aargudashada ee ay la beegsaneyso saldhigyada Mareykanka iyo dalalka Qaliijka Carabta, tillaabadan ayaana ka dhalatay ka dib markii duqeymo ay iska kaashadeen Mareykanka iyo ISL lagu dilay Hoggaamiyhii sare ee Iiraan, Aayatollaahi Cali Khamenei.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed