Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in si degdeg ah ay muwaadiniinteeda ugala baxayso Dalal dhaca Bariga Dhexe si aanay u saamayn xaaladda sii adkaanaysa ee ka dhalatay weerarkii uu ku qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Bayaanka Maraykanka ayaa Muwadiniinta lagu wargeliyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah maadaama duqaymo ka imaanaya dhinaca Iiraan ay ku dhacayaan Dalalka Liiskaan ku jira oo bartilmaameed u noqday Xukuumadda Tehran.
Digniinno ay soosaareen Safaaradaha Maraykanka ee Dalalka Carabta oo lagu daray Maamulka ay isku garabsanayaan dagaalka socda ee Israa’iil waxaa Dadka Ameerikaanka ah lagu wargeliyay in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa iyo tagista meelaha bartilmaameedka ah.

Maraykanka ayaa khasaara xooggan oo isugu jira mid naf iyo mid maaliyadeed kala kulmay Jawaabta uga timid dhinaca Iiraan, Madaxweyne Donald Trump ayaa ka meermeeraya saxaafadda si aysan wax uga weydiin arrintaan.

