Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta oo axad ah yeeshay kulankoodii labaad, kaas oo ka socda xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa ka doodaya arrimaha doorashooyinka ee heer dowlad goboleed iyo heer federaal, waxaana muuqata in doodaha labada dhinac aad u kala fog yihiin.
Golaha Mustaqbalka waxaa qabaan in dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay doorashooyin dadban qabsadaan, in Dowladda Federaalka ah ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda iyo in dastuurka Soomaaliya yahay kii 2012, islamarkaana aysan waxba ka jirin wax ka baddelka kasta oo lagu sameeyay.
Dowladda Federaalka dhankeeda waxay ku adkaysanaynaa in ay dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu laabanayn doorasho dadban.

