Mareykanka oo qiray in ay dad rayid ah ku dileen dalalka Ciraaq iyo Afghanistan

Dawladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si cad u qiratay in ciidamadooda ay dad rayid ah oo aad u badan ku dileen dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan, intii ay socdeen dagaalladii dalkaas uu ka waday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, oo bixiyay wareysi si weyn loo hadal hayo, ayaa sheegay in khasaaraha rayidka ah ee ay geysteen ciidamada Mareykanka intii ay ku sugnaayeen Ciraaq iyo Afgaanistaan uu ka badan yahay midka hadda ka dhashay hawlgallada ciidamada Israa’iil (IDF) ay ka wadaan Marinka Gaza.

Huckabee ayaa difaacay hab-dhaqanka ciidamada Israa’iil, isaga oo ku dooday in dhimashada dadka rayidka ah ee ka dhalata dagaallada ay tahay mid adag in laga fogaado, balse uu rumeysan yahay in Mareykanku uu geystay khasaare intaas ka ballaaran marka la barbardhigo hawlgalladii dalkiisu uu hoggaaminayay ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro cadaadis caalami ah oo ku saabsan tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Qaza, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in qirashadan Mike Huckabee ay iftiiminayso khasaarihii weynaa ee ka dhashay duqeymihii iyo hawlgalladii dhulka ee Mareykanku ka fuliyay Ciraaq iyo Afgaanistaan, kuwaas oo sanado badan ay dawladda Mareykanka isku dayaysay inay hoos u dhigto tiradooda rasmiga ah.

Dagaalkii Ciraaq oo billowday 2003 iyo kii Afgaanistaan oo billowday 2001, ayaa horseeday dhimashada boqolaal kun oo qof oo rayid ah, inkastoo tirooyinka rasmiga ah ee Pentago-ka iyo kuwa hay’adaha madaxa-bannaan ay mar walba ku kala duwanaayeen si weyn.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed