Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay xalay saqdii dhexe deegaanka Tasjiic ee buuraha Calmiskaad ku qabteen nin ka mid ah kooxda Daacish.
Saraakiisha ciidamada Puntland ee halkaas ka hawlgala ayaa xusay in ay gacanta ku dhigeen ninkan oo lagu magacaabo Bishaar Maaxamed, kaas oo u dhashay dalka Yemen.
Ciidanka waxay intaas ku dareen in ninkan oo aan wax hub ah wadan uu ka soo baxsaday taliska Shankaala ee togga Baalade, halkaas oo ah meel ay talis ku leedahay kooxda Daacish.
Dhanka kale Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uu 16-kii bishan Febraayo uu duqeyn cirka ah ku qaaday kooxda Daacish ee Soomaaliya.
AFRICOM waxay tilmaantay in duqeyntaasi ka dhacday buuraha Calmiskaad, gaar ahaan meel qiyaastii 70 km koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso, hase ahaatee waxay ka gaabsatay in ay faahfaahin intaas dheer ka bixiyo hawlgalkaas.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dhowr jeer ciidamada Puntland isu soo dhiibay xubno ka tirsan kooxda Daacish ah oo u badan ajaaniib.
Puntland waxay dhawaan sheegtay in ay baddeshay taatikada dagaalka Daacish, islamarkaana dagaalkii ka fool ka fool ka ahaa ka dhigtay go’doomin.

