Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Kulankan ayaa looga hadlay qodobno dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, abaaraha, badqabka duulimaadyada dalka iyo ansixinta heshiisyo caalami ah.

Qodobka ugu weyn ee kulanka looga hadlay ayaa ahaa xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa golaha u gudbisay warbixin ku saabsan tallaabooyin lagu hubinayo badqabka rakaabka, iyadoo la shaaciyay in shaqada laga joojiyay diyaarado dhowr ah oo ku guuldareystay inay buuxiyaan shuruudaha farsamo iyo kuwa badqabka ee looga baahnaa.

Si xaaladdaas loo baaro, Golaha Wasiirrada ayaa magacaabay guddi gaar ah oo soo baari doona tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan, si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isticmaala dowladda.

Golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, iyadoo Liibaan Cabdi Cigaal loo magacaabay Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa warbixin ka bixisay dhibaatada bacaad-guurka (bacaadka) uu ku hayo qaybo ka mid ah dalka. Dhanka kale, Golaha ayaa adkeeyay in la dardargeliyo gurmadka bani’aadannimo ee loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an ee ka jira gobollada dalka, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda gurmadkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay saddex axdi oo caalami ah oo la xiriira ilaalinta badaha iyo ka hortagga wasakhaynta, kuwaas oo kala ah:

  1. Axdiga Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
  2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).
  3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Ugu dambeyntii, waxaa la meelmariyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo noqon doonta hage hagaya xiriirka diblomaasiyadeed iyo horumarineed ee Soomaaliya ay la leedahay caalamka kale, si loo ilaaliyo danta qaranka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed