Maxay ku heshiiyeen Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya & Sacuudiga?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan kala saxiixday heshiis u dhaxeeya labada sida Difaaca, Militariga & Arrimo kale.

Heshiiskaan ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo iskaashiga u dhaxeeya Xukuumadaha Muqdisho iyo Riyaad oo sii xooggaystay muddooyinkii danbe, waxaana lagu wadaa in ay diiradda saaraan dhinaca Militariga.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Sacuudiga uu Soomaaliya ku bixin doonno lacag lagu horumarinayo arrimaha Ciidanka sida Diyaarado, Maraakiib iyo agab kale oo muhiim ah loosoo iibiyo sida xoguhu muujinayaan.

Waxaa intaas dheer heshiisyo kale oo ay kala saxiixan doonnaan Wasiirro katirsan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, dhaqangalkooda waxaa ka shaqayn doonna wakiillo labada Dal ka kala socda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed