Wasiir Fiqi oo u jawaabay Puntland iyo Jubaland

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeynta uga timid maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo sheegay in ciidamadooda laga soo celiyay hawada magaalada Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa soo dhigay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayuu ku dhaleeceeyay ciidamada ka socday labada maamul.

“Ma wadahadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah farriin ay u dirayaan kuwa kale,” ayuu yiri.

Puntland iyo Jubaland oo maanta hadlay ayaa sheegay in ciidamo iyo ilaalo horudhac u ahaa madaxdooda ka qeyb gali lahayd shirka wadatashiga ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya laga soo celiyay hawada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in amnigooda ay sugeyso dowladda Soomaaliya si la mid ah amniga madaxda caalamka.

“Muuqaalka hubaysan ee aan qurxoonayn iyo in ciidamo wax ay yihiin aan la garanayn in la keensado hoteelada garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo ah meel xasaasi ah oo ay deggan yihiin safaaradaha waaweyn ayna ku yaallaan goobo muhiim ma ahan wax ay ku gar helayaan Deni iyo Madoobe.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka gaashaandhigga

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed