Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub, kuwaas oo ay hoggaaminayeen mas’uuliyiin dhanka ammaanka iyo dibloomaasiyiin.
Wafdigan waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midowga Yurub, General Seán Clancy, waxaana ku wehlinayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS), Jonas Jonsson.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan amniga iyo hawlgallada ka dhanka ah AS.
RW Xamsa ayaa xusay in guulaha laga gaaray amniga ay ku yimaadeen wadashaqaynta dhow ee ciidanka iyo shacabka.
Wafdiga Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inay sii laban-laabi doonaan taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga, gaar ahaan dhanka tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in awoodda dib loogu celiyo shacabka, si ay u doortaan madaxdooda, isagoo xoogga saaraya dardargelinta doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadda.
Xamsa ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub mowqifkooda adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

