Kulankii maanta uu Baarlamaanka labadiisa Aqal ka lahaa Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka oo ku billowday buuq ayaa kusoo dhammaaday isla buuqaas, waxa ay Xildhibaannada ay hor istaageen Guddoonkooda iyaga oo watay Firimbi.
Tirada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee xaadirtay fadhiga maanta waa 180 halka Senatarrada Aqalka Sare ay ka socdeen 31 Senatar, wadarta marka la isu geeyo labada Aqal waa 211 Xidhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Aadan Madoobe.
Maxaa ka dhex dhacay Xarunta Baarlamaanka?
Qaar kamid ah Xildhibaannada ayaa jeex-jeexay Warqadaha Ajandaha maanta loo qaybiyay, waxa ay qaar kale dooddooda oo xumaatay isu baddeshay gacan qaad inkasta oo la xakameeyay sida laga arki karo muuqaallada laga soo duubay kulanka.
Maxaa tallaab ah uu qaaday Guddoonka & Habdhowrka Baarlamaanka?
Guddoonka Baarlamaanka ayaa Warbaahinta u saaray bannaanka si loo xakameeyo buuqa, waxaa la sheegay in xitaa teleefannada laga qaaday Xildhibaannadii Firimbiga watay balse kuma baaqan buuqaas kuma socon fadhiga.
Maxaa laga filayaa Guddoonka Baarlamaanka?
Sida ay ku warrameen Ilo kala duwan, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaadaya tallaabooyin ka dhan ah Xildhibaannada uu ka furmi waayay fadhiga Maanta, inkasta oo aan la ogayn nooca ay noqonayso tallaabadaas.
Dhowr arrin ayaa lagu sifeeyay sida in la shaaciyo Magacyada xubnaha firimbiga watay ee buuqa sameeyay, in laga joojiyo fadhiyada soo socda iyo in digniin loo diro si ay uga joogsadaan tallaabo lamid ah tan maanta.

