Ciidanka ilaalada cashuuraha gobolka Raascasayr ayaa howlgal ay ka fuliyeen xeebaha degmada Caluula iyo deegaanno ku dhow, ku soo qabtay doon si sharci-darro ah uga kalluumeysanaysay biyaha Puntland.
Doonida la qabtay ayaa ah nooca loo yaqaan ‘Xaawi’, waxaana lagu qabtay 25 qof oo shaqaale ajaaniib u badan ah, kuwaas oo la sheegay in ay ku howlanaayeen kalluumaysi aan waafaqsanayn shuruucda iyo xeerarka u yaalla Puntland.
Hoggaan ku-xigeenka cashuuraha Puntland, Col. Ciise Dubyar, ayaa maanta dekedda Boosaaso ugu tagay doonida iyo eedeysanayaashii watay, wuxuuna sheegay in lagu wareejin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo waafajiyo.


