Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay amniga iyo dagaalka AS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa manta kulan gaar ah la yeeshay wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Cali Onaner.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Danjire Alper AktaÅŸ, iyadoo looga hadlay xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed